Ma ciidanka Itoobiyaanka ayaan ahayn kuwii….

0

(Hadalsame) 30 Nof 2019 – Ciidanka Ethiopia iyo Dusamareeb! Waxaan aad ula yaaba Marka aan arko siyaasiyiin Shalay(2007)ciidanka Ethiopia wadanka inay soo galaan qeyb weyn ka ahaa oo maanta leh Dusamareeb maxay ka dooneen!

Ma ciidanka Ethiopia ayaan ahayn kuwii 2015 ilaalinayey doorashadii Galmudug ee Cadaado ka dhacday?!

Ma ciidanka Ethiopia ayaan ahayn kuwii Dhuusamareeb deganaa oo ilaa Ceelbuur dagaalka uga jiray in mudda ah?

Ma ciidanka Ethiopia Ayaan ahayn kuwii ka garab dagaalamayey kuwii ASWJ intii ay dagaalka kujireen?!

Waxaan hubaa in deegaanka Galmudug waxaa uu u bahanyahay Dowladnimo sal adag oo horseeda xasilooni siyaasadeed iyo horumar ee taas uun hallugu dadaalo.

Waxaa Diyaariyay: Maxamuud Cabdulqaadir Warsame

Hadalsame Media