Turkiga oo dayuuradihiisa ku qalabaynaya gantaal cir ka cir ah oo uu isagu sameeystay + Sawirro

0

(Ankara) 27 Nof 2019 – Mid ka mid ah gantaalaha ugu horreeya ee Turkiga lagu farsameeyo ee cir ka cir ah lana yiraahdo Bozdoğan (Merlin) ayaa lagu guulaystey tijaabadiisa la hagayay.

Gantaalkan ayaa sanadka xiga ee 2020 ka mid noqonaya hubka ay haystaan Ciidamada Cirka dalkaasi ee TSK, iyadoo uu madaxa Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta AK Party, Md Erdoğan uu sheegay inay dhamaanayaan waayihii ay malaayiin doollar dibedaha uga soo iibsan jireen gantaalahan.

“Gantaalkan cir ka cirka ah ee Bozdoğan, oo lagu xiri doono dayuuradaha dagaalka, waa lagu guulaystey tijaabadiisii iyadoo la hagayo isla markaana guuxiisa ka dheereeynaya,” ayuu yiri Erdoğan oo sheegay in kaddib markii ay dabooleen baahida gantaalaha dhul ka cirka ah ee ay iyagu samaysteen ilaa xad ay iminka diiradda saarayaan kuwa cir ka cir ah.

Bozdoğan iyo gantaalka kale ee Gökdoğan waa laba gantaal oo ka cir ka cir ah oo lagu samaynayo mashruuca Göktüğ kaasoo ay gacanta ku haysto hay’adda Sayniska iyo Tiknolojiyadda Turkiga ee TÜBİTAK iyo midda kale ee Daraasaadka Gaashaandhigga iyo Horumarinta ee SAGE, taasoo bilaabmay 2013-kii.

Gökdoğan waa gantaal ridada dhexe ah oo aad isu rogrogis badan ahna nooca la hago, isagoo kulaylka cayrsada, halka Bozdoğan uu gaaro masaafooyinka dhaadheer, wuxuuna leeyahay tiknolojiyadda ARH oo ka saacidaysa inuu si madax bannaan u raadsado bartilmaameedyadiisa.

Hubkan oo tijaabadiisa lagu fuliyay xarun ciidan oo ku taalla gobolka kulaala Badda Black Sea ee Sinop, ayaa waxaa riixaya holac aad u qaac yar, isagoo leh matoor elektaroonig ah oo si hufan u shidmaya una shaqaynaya, isla markaana leh isku hallayn sare iyo bandhig la hubo.

Hadalsame Media