Fannaanka kubadda ee Sadio Mane oo hal arrin uga fiicnaaday laacibiinta kale

0

(Liverpool) 27 Nof 2019 – Jookarka Liverpool iyo Senegal, Sadio Mane, ayaa la sheegay inuu aad u caawiyo bulshada dalkiisa isagoo u dhisa iskuullo, isbitaallo iyo masaajid.

Sida ku qoran Mvslimfeed, wuxuu xilliyada fasaxa ah ku qaataa inuu soo eego dhismayaasha uu ka wado dalkiisa, gaar ahaan magaalada uu kasoo jeedo ee Bambali oo uu ku dhashay Abriil 1992-kii.

Marka laga soo tago mashaariicdan horumarinta ah, wuxuu sidoo kale dhanka kharashka ka taageeraa dhowr khayriyadood oo uu qaar ku bixiyo $250 000 oo doollar sanadkii.

Sadio Mane oo 27-jir ah ayaa lagu sheegay nin aan is qaad qaad badnayn, waxaana marar badan la arkay isagoo wax ka nadiifinaya musqulaha masjid ku yaalla Liverpool, si uu uga qayb qaato nadaafadda goobta.

Waxaa markale lasoo sawiray isagoo caagag biyo ah la xamaalaya dadkii qaadi lahaa.

Hadalsame Media