Itoobiya oo ka walaacsan kulan Nairobi ku dhexmaraya Axmed Madoobe & ONLF (Kismaayo oo sidii dal loo qoray)

0

(Nairobi) 27 Nof 2019 – Kenya ayaa marti gelinaysa wefdi ay kala hoggaaminayaan Guddoonka ONLF, Abdirahman Mahdi Madey, iyo MW Jubaland, Ahmed Mohamed Madobe, taasoo walaac ku dhalisay Itoobiya, sida ku qoran Addis Standard.

Sida ay sheegayaan warar laga helay ilo is qarinaya, saraakiisha ONLF ee uu ka mid yahay Abdirahman Mahdi Madey, oo xilka loo doortay Nofeembar 11, ayaa waxaa gegada Jomo Kenyatta International Airport  Axaddii “si diirran ugu soo dhoweeyay saraakiil Kenyan ah.”

Waxaana la sheegay in Jubaland iyo ONLF ay shirar is daba joog ah oo saxaafadda laga qariyey ku leeyihiin Nairobi, sida ay ogaatey Addis Standard, iyadoo ay shirkan ay dhanka maaliyadda ka taageerayso hay’adda Rift Valley Institute.

Arrintan ayaa waxay kicinaysaa xiisad diblomaasiyadeed oo markale ka dhex curata Kismayo iyo Addis Abeba oo bilaabatay bishii Agoosto markii dayuurad ay Itoobiya leedahay loo diidey inay ka degto Kismaayo (waa sida uu warka u qorayo wargayska Addisstandard oo Kismaayo u qoraya sidii dal). Arag qoraalka hoose.

Maamulka Jubbaland ayaan weli heli helin aqoonsiga DF Somalia iyo midka beesha caalamka, marka laga reebo Kenya.

Shilkan ka dhacay Garoonka Kismaayo ayaa dhaliyay xiisad kale oo diblomaasiyadeed oo u dhaxaysa Kenya oo taageersan Jubbaland iyo Ethiopia oo taageersan DF Somalia, ayuu wargaysku daba dhigay.

DF Somalia ayaa lafteeda lagu dhaliilay qaabka ay Itoobiya usoo gelinayso arrinta Jubbaland, jeer qadyaan laga taagan yahay faragelinta Kenya.

Hadalsame Media