”Taasi socon mayso!” – Midowga Yurub oo arrin xasaasi ah uga digey Somaliland

0

(Muqdisho) 27 Nof 2019 – Waxaa beryahan Somaliland ka taagan muranno ka dhashay muddo kororsiyo kale oo ay samaysteen Aqallada maamulkaasi, kuwaasoo ay qaarkood iska fadhiyaan muddo rubuc qarni ku dhow iyadoo aan marna doorasho la qaban.

Nicolas Berlanga oo ah Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Somalia ayaa ka digey arrimahan iyo dib u dhigista doorashooyinka. Wuxuu Twitter-ka kusoo qoray sidatan:

“Kaliya hay’ado si dimoqraaddi ah loo doortay ayaa keeni kara natiijo horumar leh oo ay dadka Somaliland u qalmaan.“ ayuu yiri.

“Tani waa waxa aannu ka saaxiibbo ahaan ka rajaynayno iskaashiga Somaliland” ayuu daba dhigay.

Nidaamka Muuse Biixi ayaa wuxuu beri dhowayd xirxirey saraakiil ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah, gaar ahaan Waddani, taasoo kicisay cambaarayn ballaaran.


Hadalsame Media