DAAWO: ”Maxaan ku kasbaday inaan waayo nin i GUURSADA!” – Haweenay Nigerian ah oo iyadoo ooyaysa nin yaboohsi jidka usoo istaagtey!!

0

(Lagos) 26 Nof 2019 – Haweenay Nigerian ah ayaa dadkii jidka marayay ka yaabsatay kaddib markii iyadoo ba’ayaysanaysa shaaraca soo istaagtey si ay u muujiso caalwaaga ka haysta nin la’aan ku habsatey.

Muuqaalkan ayaa kumannaan jeer lagu faafiyay baraha bulshada, waxaana ka muuqata haweenaydan Nigerian-ka oo dadka jidka maraya waydiinaysa waxa ka khaldan ee ay ”nin la’aanta u mudatay.”

Haweenaydan ayaa iyadoo ooyaysa isla markaana qaylinaysa waxay sheegaysaa inay sanado badan ay kabihii ka dhamaadeen inay nin guursada hesho, balse ay ku guuldarraysatay.

Waxay kaloo ku dhaaranaysaa inay is dili doonto haddii aanay arrintan waxba iska bedelin mustaqbalka dhow.

Halkan hoose ka daawo…

 

Visa det här inlägget på Instagram

 

Lady takes to the street of #Surulere to express her frustration over inability to find a husband

Ett inlägg delat av MORE JUICY NEWS B4 D LAST POST (@famousblogng)

Hadalsame Media