RASMI: Arrintii Ibrahimović & Hammarby oo dhinac u dhacday (Maxay ku dhamaatay?)

0

(Los Angeles) 27 Nof 2019 – Waa xaqiiqo haatan: Zlatan Ibrahimović wuxuu noqday la-milkiile qayb ku leh kooxda Hammarby ee Sweden, sida uu naadigu xaqiijiyey. “Waxay noqonaysaa baashaal, waan faraxsan ahay,” ayuu yiri Ibra.

Waxaa todobaadkan ay wakiillo ka socdey Hammarby Football AB la kulmeen Zlatan Ibrahimović oo ku sugan Los Angeles, si ay arrintan u dhameeyaan.

Hammarby ayaa sheegtay in Ibrahimović uu iibsadey 50% ka tirsan naadigaasi, taasoo qayb ahaan soo afjaraysa dood bilaabatay shalaytoole, waloow aan weli la hubin aayihiisa.

Dadka ayaa isla dhexmaray in Ibra uu ku biirayo kooxdaasi, kaddib markii uu soo geliyay muuqaalka funaanadda Hammarby Fotboll AB oo uu magaciisu ku xardhan yahay.

Hadalsame Media