Turkiga oo Jabuuti ka dhisay masjidka ugu wayn dalkaas oo badda laga dul dhisay + Sawirro

0

(Jabuuti) 26 Nof 2019 – Masjidka ugu wayn Djibouti, oo uu dhismihiisu qaatay muddo 4 sanadood ah isla markaana ay dhistay hay’adda Turkiga ah ee Diyanet Foundation, ayaa la furayaa dabayaaqada bishan.

Masjidka Abdülhamid II Mosque and Complex ee Djibouti, ayaa markiiba qaadi kara jamaaco gaaraysa 6,000, wuxuuna noqon doonaa midka ugu wayn Jabuuti marka la furo.

Masjidka oo ay ka muuqato handasadii Cismaaniyadda, ayaa loogu magac daray hoggaamiye Cusmaaniyiinta ka mid ahaa oo la yiraahdo Sultan Abdülhamid II. Iyadoo ay Cusmaaniyiintu xiriir la lahaayeen dadka ku dhaqan Jabuuti muddo 400 oo sano ah.

Waxaa aragtida dhismaha masjidka la isla qaatay xilli uu MW Recep Tayyip Erdoğan dalkaa soo booqday 2015. MW Djibouti ee Ismail Omar Guelleh ayaa sida la yiri ka codsaday in loo dhiso masjid leh muuqaalkii Cusmaaniyiinta oo uu aadaankiisu u egyahay sida kuwa Istanbul.

Waxaa kasii daran in masjidka laga dhisay dhul badda ka tirsanaa oo la buuxiyay, gaar ahaan degmada Salines Ouest, oo ay sidoo kale ku taallo Madaxtooyadu.

Wuxuu ku fadhiyaa 13,000 oo mitiri oo jibbaaran, waxaana furitaankiisa kasoo qaybgeli doona sida lagu wado, saraakiil sare oo Jabuutiyaan ah iyo Afhayeenka Baarlamanka Turkiga, Mustafa Şentop.

Hadalsame Media