(Los Angeles) 26 Nof 2019 – Laacibka Zlatan Ibrahimovic ayaa ka yaabsaday taageerayaasha AC Milan iyo kooxo kale kaddib markii uu bogga Instagram ku daabacay muuqaal muujinaya funaanadda kooxda Hammarby.
Yeelkeede, arrintan ayaan dad badan ka daadegin waayo kooxdani waa mid xitaa sidaa ugu firfircoonayn horyaalka dalkeeda Sweden oo ay ugu dambaysey 2001-dii, sidoo kalena waxay leedahay koox kuwa min 5-ta ah.
Waxaa kale oo arrintan mugdi sii gelinaya in Ibrahimovic uusan waxba ku qorin muuqaalka, balse uu kaliya kusoo wadaagey Instagram.
Mid ka mid ah dadka Swedish-ka ah ee faallada ka dhiibtey muuqaalkan ayaa kusoo qoray: ”Fadlan kaftan uu hakaa ahaato!”.
Hadalsame Media