ISKA JIR: Ma adeegsataa TRUECALLER? Haddaba ma ka war qabtaa arrintan?!!

0

(Hadalsame) 26 Nof 2019 – Waa mid ka mid ah dhibaatooyinka dadban ee tiknolojiyadda adeegsigeeda laga dhaxlo, ayadoo aan lagu tala gelin ama aan lagu baraarugin ay ka dhalan karto dhibaateyn qof aan waxba galabsan.

Ma adeegsataa App-ka TRUECALLER ee dadka ka saacida garashada heybta numberada aan u diiwaan gashaneyn?

Haddii jawaabtaadu haa tahay ogow liiska CONTACTS-kaada ma ahan mid adiga kuu gaar ah, waxaadna si mutadhawacnima ah uga qeyb qaadatay xareynta xogta (magaca iyo lambarka) dadka kuu kaydsan.

Qof kasta oo isticmaalo Appkaas hadii uu waco ama soo waco number aan u diiwaangashaneyn waxa usoo baxaayo numberkii oo wato mid kamid magac ugu qoran taleefan qof kale oo isticmaalo Appka TRUECALLER.

Qoraalka SCREENSHOT-ka hoose kama hadlayo guud ahaan faa’iidada iyo dhibaatada adeegsiga, ee waxa uu muujinayaa qeyb yar oo tusaale ka bixineyso dhibaatada.

Waxa uu ka hadlayaa in dadka xoogsatada ah ee guryaheena ka shaqeyo ama magaalada ka xamaasho, inaanan ku calaamadeysan shaqada ay ka xoogsadaan sida:

HEBLAAYO ADEEGTO..

HEBEL GOD QODOOW..

HEBEL QASHINLE…

HEBLAAYO DHAR DHAQDOOY…

HEBEL BAJAAJLE…

HEBLAAYO CAJIINLEY…

Waayo waxa ay xiriir la sameynayaan bulshada qeybaheeda kala duwan, shaqo, guur ama macaamil kale ayey isugu imaan karaan marka si aadan ku tala galin ha ugeysan wax-wax u dhimi Karo nafsiyaadkooda, xiriirkooda bulsho iyo nolol maalmeedkooda, fadlan dib u fiiri liiska CONTACTS-KAADA, hubi ina ay magacyadaas ku jiraan liiskaada, adoo mahadsan magacooda saxda ah ku diiwaan gasho.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Cabdullaahi

Hadalsame Media