Somaliland oo xabsiga dhigtay 9 nin oo Imaaraati ah oo fal sharci darro ah gaystey + Sawirro

0

(Hargaysa) 26 Nof 2019 – Maamulka Somaliland ayaa saaka xabsiga u taxaabay 9 nin oo u dhashay waddanka Imaaraadka Carabta kuwas oo si sharci darro ah uga ugaarsanayay gudaha Somaliland.

Raggan ayaa aroornimadii maanta lagu qabtay Garoonka Diyaaraha Hargeysa iyagoo doonaya in ay u dhoofaan dalkooda.

Carabtan ayaa dadweynaha degmada Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex markii hore u sheegay in ay mashaariic u fulinayaan, balse waxa la ogaaday in ay si sharci darro ah u ugaarsanayeen.

Waxaa warkan Horncable TV u xaqiijiyay agaasimaha Duur Googta ee Wasaaradda Deegaanka, Naasir Xuseen.

Ilaa iminka ma jiraan warar kale oo dheeraad ah oo arrintan kasoo kordhay, iyadoo ay Imaaraadku howlo badan oo mugdi ku jiro ka qabtaan gobollada Woqooyi Galbeed iyo Woqooyi Bari Somalia.

Hadalsame Media