Farriin ku socota Maamulka Gobolka Banaadir + Sawirro

0

(Muqdisho) 26 Nof 2019 – Saakey mar aan soo marey wadada isku xirta Warshada Caanaha iyo Jidka Soddonka waxaa ka muuqdey Burbur aad u weyn oo gawaarida iyo dadkaba ay ku adag tahay in ay maraan

Waxaa u soo jeedinayaa Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho in la dhiso wadadaas maadama ay dhisan tihiin dhamaan wadooyinka soo gala meeshaas yar ee burbursan, haddii aan qiyaaso cabirkeeda waa Shan boqol oo Tilaabo waxaa ku badbaadaya Jidka Sodonka iyo Jidka Warshada Caanaha sidoo kale waxaa meesha ku yaal Aargo labada jid isku xira oo soo celineysa Bilicda Magaalada

Sidaa darteed waa in maamulka Gobolka Banaadir uu ku baraarugaa dhismaha wadadaas shanta Boqol ee Talaabo ah ( Nus Kiiloo Mitir) oo sababi karta in waxyeelo soo gaarta laba Wado oo horey loo dhisey oo ah jidka Soddonka iyo Wadada ka imaaneysa Tarbuunka ee tagta Warshada Caanaha.

Waxaa Diyaariyay: Amiin Yuusuf Khasaaro

Hadalsame Media