Dayactirka Garoonka Istaadiyo Muqdisho oo gebagebo ku dhow (Sawirro cusub)

0

(Muqdisho) 26 Nof 2019 – Waxaa meel wanaagsan maraya dayactirka & dhismaha Garoonka Ciyaaraha ee Istaadiyo Muqdisho kaasoo lagu dhisayo barnaamijka ”Is xilqaan.”

Garoonkan oo ah midka ugu wayn dalka Somalia ayaa waxaa haatan u harsan waxyaabo yar yar iyo in la dhigo cowska macmalka ah ee lagu ciyaaro.

Marka la dhamaystiro wuxuu marti gelin doonaa ciyaaraha kala geddisan ee dalka ka dhaca sida horyaalka, koobka Jen. Daa’uud iyo kuwa Gobollada.

FIFA ayaa lagu wadaa inay bixiso kharashka iyo farsamada cowska macmalka ah.

Hadalsame Media