Hay’adda Socdaalka oo war kasoo saartay macallimiin Masaari ah oo la sheegay in FIISE loo diidey

0

(Muqdisho) 26 Nof 2019 – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan kasoo qaadday sawirro baraha bulshada wareegayay oo sheegayay inay dalku galka u diiddey macallimiin Masaari ah.

Hay’adda oo war kooban arrintan kasoo saartay ayaa tiri sidatan:

”Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) waxay si cad u beenineysaa wararka la soo dhigay qaar ka mid ah baraha Bulshada ee sheegaya in Macalimiin masaari ah loo diidey in ay soo galaan dalka ama joogaan.

”Sidoo kale Hay’addu waxay caddeyneysaa in Xogta iyo sawirada la baahiyeyba ay yihiin kuwa been abuur ah oo aan Sal iyo raad toona laheyn.” ayay kusoo afjartay.

Hadalsame Media