DHEGEYSO: Wiil yar oo Soomaali ah oo laga soo badbaadiyey woqooyiga Suuriya

0

(Al-Xuul) 26 Nof 2019 – Wiil Soomaali ah oo 11 bilood jira ayey dawladda Denmark kasoo badbaadisay Waqooyiga Syria kadib markii waalidkiis ay ku dhinteen dagaalka Syria.

Ehelada wiilkaasi ayaa idaacadda VOA u sheegay in wiilkan laga soo qaaday magaalada Erbil, isagoo markiisii hore laga keenay xerada Al-Xuul halkaasi oo lagu xannaanaynayey tan iyo bishii Maarso ee sannadkan markaasi oo ay dhimatay hooyadiis. Aabihiis ayaa isna la aaminsan yahay inuu ku dhintay Syria.

Keenista wiilkaasi ka sokow waxaa la sheegay in dalka Jarmalka lagu soo celiyey ilaa saddex gabdhood oo mid ka mid ah asalkeedu yahay Soomaali, halka mid kale oo Jarmal ahna ay u dhaxday nin Soomaali ah oo ay carruur u dhashay.

Hadalsame Media