Haddii ay beesha Xalane xakaarkeenna ka dambayso, duruufta xeradaa soo dejisey soow adigu kama dambaysid?!!

0

(Hadalsame) 22 Nof 2019 – Waxay dheheen Xalane halla saaro iyaga ayaan ka degi la’nehee taasoo qayb ka ah dhaqankeenna ah in eel dhigno ee aan umad kale eedno, ogaantay Xalane waxay dadkani deggan yihiin 10 sano, balse waxaa ka sii horreeysey 16 sano oo Xalane kubad lagu dheeli jirey, markaasna yaa dhibkeenna ka dambeeyay?

Waxaa muhim ah inaan fahamno hal arrin oo ah in aan annagu sallaxnay duruufta ay Xalane shisheeye deggan yahay ku abuurantay kaddib markii aan meesha ka saarnay Xalane ay ciidamadeennu ku tababartaan oo aan annagu maamulno.

Haddana, cidda qura ee duruuftaa bedeli kartaa waa annaga, iyadoo aan la xagxaganayn cid Xalane deggan, dal deris ah iyo duni ka xaggaysa toona, waayo, dunida ayaa ku dhisan in laga faa’iidaysto ciddii danaheeda dayacda.

Dal fara gelinta iyo in wax lala walwalaaqo diidi karana ma jiro marka ay dowladnimadiisu dhacdo, waayo maba jirto sabab uu farsamo ahaan iyo sharci ahaan taa u diido, adigu jecloow ama nebcoow e.

Fara taagtaag gudeed iyo mid dibadeed waa naga dhamaaday dhibkuna wuxuu ka socdaa annaga ee ma heli karnaa caqli ka duwan midka haatan? Mise waxaa weli noo harsan 30 kale iyo suggood fara taagtaag iyo mas’uuliyad ka carar ah?

Tan kale is waydii haddii beesha Xalane ay hadda ka mas’uul tahay dhibka ku haysta inay halkaa soo degto soow adigu ka mas’uul ma ihid welina xal ma diidanid?

Nooca ay jawaabtaadu noqoto ayaa muujinaya inta KM ee uu xalku jiro.

Socon mayso ducada aan wadno ee ah ”Ilaahoow guursan maayee ha i goblamin!”

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media