Sheekh caan oo ka digey halista inuu iska sii jiitamo KHILAAFKA Soomaalidu!

0

(Hadalsame) 23 Nof 2019 – Ilaahow soomaali dal iyo dad iyo diinba u nabad geli.
Dadka soomaaliyeed waa iney hurdada ka kacaan, oo fekeraan.
Waa isku khasbanyihiine waa iney is af gartaan, haddey rabaan iney adduunka sii jiraan.

Waa iney ogaadaan dalkan iney iyagu leeyihiin, ku nool yihiin, haduu nabad iyo xasilooni iyo barwaaqo helo dadkiisa oo dhammi nolosha wanaagsan qaybsanayaan, oo caalamka la tartamayaan. Haduu dagaal iyo degganaan la’aan iyo saboolnimo ku jirana shacabka soomaaliyeed oo dhammi ku khasaarayaan, wadaad iyo waranle, madax iyo shacab, siyaasi iyo ganacsade! Rag iyo Dumar, yar iyo weyn.

Sow kama fiicna inaan fekerno, wadaad, siyaasi, oday, dhalinyaro, rag iyo dumar, oo qof walbaa dib isugu noqdo, oo dalku inuu dego danteenna guud iney tahay wada ogaanno, xasaradda iyo dhibkana dhamaanteen ku khasaareyno horayna 30 sano ugu soo khasaarnay.

Sow ma fiicna inaan ogaanno is af garasho, is ogolaansho, wada noolaansho, is tix gelin iyo is faham keliya iney noo furantahay si aan u sii jirno, annagoo kala feker duwan, kala aragti duwan, kala faham duwan, waayo dhamaan dalkan iyo goobtan yar ayaa naga dhexeysa, meel kale adduunka kuma lihin, waa isku khasbannahay, qofna lagama tuuri karo, qabiilna lagama saari karo, dhamaan waan isku lifaaqannahaye tolow maan is fahamno intaan adduunkana la innaga waayin, dalkana la innagala wareegin!!

Dadkii is fahmi waaya, oo wax isu ogolaan waaya, oo wada noolaan kari waaya, dabar go’ iyo dal la’aan, baa u dambaysa ( وَمَن يوقَ شُحَّ نَفسِهِ فَأُولئِكَ هُمُ المُفلِحونَ﴾ [Al-Hashr: 9].

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamed Idriis

Hadalsame Media