Somalia oo laga bilaabay mashruuc aan ka jirin dal kale oo Saxahara ka hooseeya (Faa’iidada ku jirta & kharashka ku baxaya)

0

(Muqdisho) 22 Nof 2019 – Magaalada dhacda bartamaha Somalia ee Beledweyne, qoysaska oo ay weli dhegohooda kasii qiiqayso raashin yari iyo xoolihii ku le’day abaartii ugu dambaysey, ayaa waxay mar qura la koowsadeen daadad ku dhowaad magaalada oo idil hafiyey kaddib markii uu qararka jebiyey webiga Shabeelle.

Magaalada oo ay ku nool yihiin 230,000 ayaa ku khasbanaaday inay barakacaan, sida ay sheegtay hay’adda Qaxootiga ee UNHCR.

Haatan, si loogu hortago inay tanoo kale markale dadka ku qabsato ogaal la’aan, waxaa la bilaabayaa barnaamij cusub oo ay dadku telefoonnadooda ku heli doonaan farriimo digniin iyo qayla dhaan ah, kuwaasoo kasii digaya haddi la tuhmo inay soo fool leeyihiin abaaro iyo daadad.

Hannaankan ayaa caadi ka ah dunida, balse waa markii ugu horreeysey ee laga hirgeliyo Somalia oo weliba noqonaysa dalkii ugu horreeyay ee Saxaraha ka hooseeya ee hannaankan yeesha, sida ay sheegtay hay’adda Horumarinta Barnaamijyada QM ee UNDP.

Mashruucan oo ku kacaya $10 milyan oo doollar, ayaa waxaa todobaadkii tegey isla bilaabay DF Somalia & UNDP, si loo hormariyo adeegyada digniineed ee dalka ay colaaduhu daashadeen ee Somalia oo haatan la tacaalaya dhibaatooyin ka dhashay cimilada is bedelaysa.

Waxaa kale oo barnaamijkan la socda qorshe xoolo raacatada lagu barayo sida ugu wanaagsan ee u qoondaysan karaan hab-nololeedkooda, dhismaha xarumo saadaasha hawada ah iyo baraago biyaha lagu kaydiyo.

Hannaankan digniinta telefoon gacmeedka ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u shaqa galo muddo 2-3 sanadood gudohood ah, sida ay khubaradu sheegeen.

Hadalsame Media