”Waa muhiim in aad ogaato meesha aad istaagayso!” – Fadlan akhri sheekadan

0

(Nairobi) 21 Nof 2019 – Waddo aan marayay ayay hareer taagnayd gabadh si wanaagsan u xijaaban xishoodna ka muuqdo, markaan la simanahay ayaan maqlay iyadoo leh maxay dadku naga eegayaan?

Markii aan xooggaa dhaafay ayuu nin hadalka ila maqlayay igu yidhi tii doqonta ahayd ee lahayd maxay dadku naga eegayaan meesha ay taagan tahay waxaa istaaga dumarka jidhkooda ka ganacsada.

Waan naxay waxaana ii soo baxday in gabadhaas xog la’aan haysay, markiiba waan ku laabtay balse iyadoo meeshii ka dhaqaaqday ayaan ku laabtay.

F.G: Waa muhiim in aad ogaato meesha aad istaagayso.

Waxaa Diyaariyay: Xasan Haybe

Hadalsame Media