”Xabadda dishey Almaas laba qolo unbaa haysata!” – Xil. Fiqi oo sheegay war hal meel ka duran!

0

(Muqdisho) 21 Nof 2019 – Xildhibaanka Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in rasaasta la sheegay inay dishey Almaas Elman ay kaliya magaalada ku haystaan laba qolo oo kala ah Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM, sidaa darteed iyaga looga fadhiyo inay meel saaraan cidda gabadha dishey.

Wuxuu bartiisa Facebook kusoo qoray sidatan: ”Xabad aan sharqanteeda agagaarka laga maqal ayaa dishey marxuumad Almas Elman AUN, laakiin waxaa la wada og-yahay qoriga dhashiikaha ah ee xabadiisu ay dishey gabadha waxaa magaalada MUQDISHO ku heysta oo kaliya ciidamada dawladda ka amarqaata iyo AMISOM.

”Haddaba waxaan ayadoon ka leexleexasho laheyn looga fadhiyaa Madaxda Villa Somalia In ciddii dambigaas geysatay sharciga la soo hortaago, ehelada marxuumadda iyo umadda Soomaaliyeedna lala hor yimaado baarista la sheegay in la samaynayo ka dib wax macquul ah oo lagu qanci karo.”

Yeelkeede, waxaa soo baxaya warar sheegaya in xabadda wareegaalaysanaysa baraha bulshada ee la sheegayo inay tahay tii dishey Almaas aysan ahayn mid sax ah.

Horay waxaa suuqa usoo gashay xabbadaasi oo la’eg midda qoriga PKM, kaddibna waxaa soo baxay war sheegaya in ay gabadha qabsatay xabbad Dhashiike oo habow ah.

XAQIIQ – Si ka duwan sida uu qorayo Xildhibaan Fiqi, xabadda Dhashiikuhu kama mid aha xabbadaha aan shanqartooda la maqal oo kuma xirmo aamusiye (silencer), sidaa darteed, is geli maayaan waa Dashiike iyo waa aamusnayd, weliba meesha uu saaran yahay yool Dhashiike dhawaqiisa ayaa laga maqlaa oo dadka jooga goob dagaal waa ka wareegsadaan.

Hadalsame Media