Madaxwayne walaalkii la dhashay ugu magacaabay Raysal Wasaare!

0

(Colombo) 21 Nof 2019 – Madaxwaynaha dhowaan la doortay ee dalka Sri Lanka, Gotabaya Rajapaksa ayaa goor dhowayd walaalkii ka yar, Madaxwaynihii hore ee Mahinda Rajapaksa, u magacaabay Raysal Wasaaraha, taasoo xoojinaysa xukunka qoyskaas ee dalkaasi.

Magacaabista Mahinda Rajapaksa, 74 jir, ayaa imanaysa saacado yar uun kaddib markii uu xilkaa iska casiley RW hore Ranil Wickremesinghe kaddib markii uu guuldarraystay ninkii xisbigiisa ugu sharraxnaa xilka Madaxwayne ee uu ku guulaystey Gotabaya Rajapaksa, doorashadii todobaad dhamaadkii.

Waa markii ugu horreeysey taariikhda Sri Lankan ee ay dhacdo inay xilalka sare buuxiyaan walaalo wada dhashay, waloow Mahinda uu yahay Madaxwayne KMG ah oo xilka sii hayn doona inta laga qabanayo doorashada Baarlamaaniga ah sanadka soo aaddan.

Gotabaya, 70 jir, wuxuu horay usoo noqday Wasiirka Gaashaandhigga isagoo ka hoos shaqaynayay walaalkii Mahinda oo uu haatan ka dhigay RW, horayna Madaxwayne u ahaa 2005-2015-kii.

Marka waa qori isku dhiib qoys oo lasii amba qaaday. Somalia ayaan xitaa aqbali lahayn inay labadoodu isku qabiil noqdaan, qoys haba joogtee.

Hadalsame Media