Booliiska Norway oo kala eryey Soomaali qabyaaladaysey maamulka Masjidka Towfiiq (Arrin la mid ah oo ka taagan Gothenburg)

0

(Oslo) 18 Nof 2019 – Booliska magaalada Oslo ee dalka Norway, ayaa galabta kala diray kooxo soomaali ah, kuwaas oo is qab qabsi iyo buuq ku dhex maray Masjidka Soomaalida ee Towfiiq.

Kooxahan soomaalida ayaa ay sida wararku sheegayaan ku balansaa halkaasi, si xal looga gaaro khilaafka soo jiitamayey ee u dhaxeeya soomaalida ee isku heeysta maamulkiisa masjidkaasi.

Balse kulankoodii guul darro iyo buuq ayuu ku dhamaaday, taas oo ugu dambeyntiina keentay in Boolisku yimaado oo kala yaaciyo kooxihii faraha isku taag taagayey.

Masjidka Towfiiq ee Soomaalidu maamusho, ayaa waxaa in muddo ah ka taagan buuq iyo khilaaf aad u xooggan oo salka ku haya maamulka iyo qabyaalad siyaasadeysan, oo keentay in qal qal gelo howlihii masjidka.

Sidaaasi si la mid ah ayaa waxaa dhibaato ka taagan tahay mid ka mid ah masaajidada Soomaalidu maamusho ee magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Arrintan ayaa muujinaysa inaysan Soomaalidu waxba hambaysan iyadoo Bayta Ilaahay uu ahaa hay’adda ruuxiga ah ee ugu dambaysey ee u dhaqnayd, waxaase haatan lala galay qabyaalad iyo khaarajin ay kuwo dadka ku dhex laayaan iyagoo weliba diin sheeganaya.

Waxaa Diyaariyay: Ikraam Cali Kaar

Hadalsame Media