”Inay dunidu is bedeshey Midgaankii Barkhad Batuun baa habeen walba i caaya!” – Muuse Biixi oo laga soo koobiyey kelmad cunsuriyad iyo yaqyaqsi leh!

0

(Hargaysa) 18 Nof 2019 – Nin la yiraahdo Maxamed Abees ayaa qoray sheeko muujinaysa sida ay u hooseeyaan wacyiga iyo caqliyadda MW Somaliland Muuse Biixi oo xalay xirxiray madax ka tirsan Xisbiga Waddani, balse ragga la xiray nin ka tirsan oo weliba la garaacay ayay arrintiisu micne gaar ah yeelanaysaa. Wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay:

Arrinka lagu xidhay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga wadanni anigu dhaliilina maayo taageerina maayo oo Maxkamadaha ayaa kala caddayn.

Ha yeeshee, halkan waxaan ku soo bandhigayaa kulan aan Madaxwayane Muuse Biixi Boorama kula yeelanay xiligii shirwaynaha Xisbiga Kulmiye iyo wuxuu Madaxwaynuhu ka yidhi mar uu soo hadal qaaday Afhayeenka Xisbiga WAddani BARKHAD BATUUN.

Madax Wayne Muuse Biixi ayaa isaga oo la hadlaya dhaliinyar ka kooban shan qof oo aan ka mid ahaa yidhi:

”Aduunyadu inay is badashay C/Raxmaan Abees oo reer Samatar ah oo waliba reer Xaaji faarax ah ayaan xidhay Midgaankii Barkhad Batuuna habeen walba wuu i caayaa oo waan xidhi kari la’ahay. Xaaji faarax hadii intaa qabriga loogu sheego tollow muxuu odhan lahaa.” ayuu is waydiiyay si jees jees ah ayuu leeyahay Maxamed Abees oo la dhashay ninka uu MW Biixi sheegayo inuu xirey.

Sidaa waxa u dhignaa hadalkii Madaxwaynaha qaranka jamhuuriyada Soomaliland. Arinkaasi wuxu leeyahay Markhaati kalidayna maan ahayn. Hadal Cunfi iyo Cunsuriyadle ayuuse ahaa.

FG: Ilaahay ayaa u wayn cid laga baqo Madaxwaynahana been kama sheegayo. Ilaahay ayaan maalinta qiyaamaha la hor tegayaa in Madaxwaynuhu Hadalkaa Afkiisa ka yidhi.

Waxaa Qoray: Goobjooge Maxamed Abees

Hadalsame Media