”Luuqadda ugu adag baan ku CAMBAARAYNAYAA xarigga caburinta ah!!” – Cirro oo tillaabo uu qaadayo ku madlay berri aroortii

0

(Hargaysa) 17 Nof 2019 – Sidii aannu goor dhowayd shaacinayba, Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Cabdi iyo Afhayeenkii Xisbiga Barkhad Batuun, ay xabsiga u taxaabeen Ciidamada Booliska Somaliland.

Ha yeeshee, waxaa goor dhow arrintaa si kulul uga hadlay Guddoonka Xisbiga Waddani, Md Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi “Cirro” oo bartiisa kusoo qoray sidatan:

”Umadda reer Somaliland waxa aan u xaqiijinayaa in goor dhaweyd sifo sharci darro ah oo aan wax cudur daar ah lahayn lagu xidhay Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI, sida ugu adag ayaan u cambaareynayaa, waana in si degdeg ah xorriyadoodii loogu soo celiyaa.

”Shacabka dareenkiisa xadhig iyo cabudhin toona laguma joojin karo. Waa inoo aroorta iyo Xarunta Dhexe.” ayuu daba dhigay
Gudoomiyaha Xisbigga WADDANI, Cabdiraxmaan-Cirro.

Hadalsame Media