100 dayuuradood oo ay leeyihiin Maraykanka, Israel, Italy, Jarmanka & Giriigga oo isku dayay inay ka dusaan raadaarka gantaalaha S-400 (Hab la yaab leh oo ay isku dayeen!)

0

(Negev) 17 Nof 2019 – Israel, Maraykanka iyo dalal kale oo NATO ah sida Talyaaniga, Jarmanka iyo Giriigga ayaa wada sameeyay layli ciidan oo looga gol lahaa in lagu tababarto sida loo jiiri karto raadaarka digniinta hore bixiya ee hannaanka daafaca cirka ee Ruush sameega ah ee S-400, kaasoo ay aad uga welwelsan tahay Washington.

Ciidamada Cirka Israel (IAF) ayaa lama degaanka Negev Desert oo ku yaalla Koonfurta Israel, waxay ku marti geliyeen dalalka aanu sare ku xusnay intii u dhaxaysey Nofeembar 3 ilaa 14.

Waxaa layligan ka qayb qaatay 800 oo askari iyo ilaa 100 dayuuradood oo kuwa dagaalka ah, kuwaasoo ay ku jireen kuwa raadaarka ka dhuunta ee F-35, oo markii ugu horreeysey layliga soo galay. Waxaana ”cadowga” metelayay nooca ay Israel sii maduufikaysey ee F-35I Adir.

Duuliyeyaasha Israeli iyo NATO ayaa hollinayay inay macmalaan qaab ay u dhex mari karaan raadaarka gantaalaha dhul ka cirka ah ee S-300 iyo S-400 sida lagu sheegay war kasoo baxay Ciidamada Cirka Yuhuudda ee IAF.

Moscow ayaa gantaalahan waxay soo dhigtay Syria si ay u difaacaan saldhigga cirka ee Khmeimim oo ku yaalla Latakia, waxay sidoo kale ka iibiyeen Turkey, isla markaana waxay u bandhigeen Saudi Arabia, taasoo ay ka carootey Washington.

Si kastaba, ciidamadan layliga samaynayay ayaa booskii S-400 u adeegsanayay gantaalaha Patriot, balse sida ay Moscow qabto taasi waxba ku tari mayso, maadaama baxaalli ahaan ay aad u kala duwan yihiin labada nooc xitaa haddii ay isku shaqo qabtaan guud ahaan.


Hadalsame Media