DEG DEG: Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka WADDANI oo ay xireen Booliiska Hargaysa! + Sawirro

0

(Hargaysa) 17 Nof 2019 – Waxaa caawa kacsan xaaladda magaalada Hargaysa oo ah caasimadda Somaliland oo ah maamul sheegta inuu ka go’ay Somalia inteeda kale.

Wararka halkaa ka imanaya ayaa sheegaya inay ciidamo fara badan oo Booliis ihi ay weerar ku qaadeen Xarunta Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Cabdi iyo Afhayeenkii Xisbiga Barkhad Batuun, ay xabsiga u taxaabeen Ciidamada Booliska Somaliland, Sida HCTV ay u Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Xisbiga WADDANI.

Arrintan ayay caawa aad ula ashqaraarsan yihiin shacabka magaalada Hargaysa oo aan u baran in la xiro madaxda sare ee siyaasadda ku jira mucaarad iyo muxaafidba.

Wixii kasoo kordha halkan kala soco….

Hadalsame Media