Maxay Kenya ku bedelatey in la caadiyeeyo xiriirka ay leedahay Somalia?! (Akhri aragtida Kenyan-ka)

0

(Nairobi) 15 Nof 2019 – Shalay waxaa magaalada Nairobi lagu gaarey heshiis ku saabsan in la caadiyeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed, kaasoo dhex maray Kenya iyo Somalia.

Ha yeeshee, heshiiskaas oo ka koobnaa 4 qodob waxaa ka mid ah in la sahlo isu socodka iyo xiriirka labada dal iyadoo aan la taabanin dacwadda badda, waxaase jira dad dood ka keenay wax ay ku sheegeen waxa ay Kenya taa ku bedelatey, taasoo muujinaysa inay yasayaan doorka Somalia, iyagoo illoowsan inuu xiriirku caadi ahaa iyadoo ay dacwaddu furan tahay kahor intii aysan Kenya is waalin horraantii sanadkan, balse ay taasi u shaqayn wayday.

Tusaale ahaan, Somalia waxay sanad kasta Kenya ka iibsataa alaabooyin iyo adeegyo ku kacaya balaayiin doollar, maadaama aanay Somalia haatan ahayn dal wershadaysan oo ku tiirsan inta badan wax lasoo dejiyo.

Waxaa taas dheer, in ay Soomaalidu dano ganacsi oo aad u ballaaran ku leeyihiin magaalada Nairobi, kaasoo balaayiin Shilin oo canshuur ah iyo shaqooyin u sameeya dalka Kenya.

Ha yeeshee, markii ay Kenya jir xumada bilowday ayay Soomaali badan oo Kenya maalgashan lahayd waxay u weecdeen dalal kale sida Turkiga, Itoobiya oo haatan furfurmaysa iyo meelo kale sida Rwanda.

Haddaba, Kenya oo dareensan in Somalia ay sidoo kale maalintii boqollaal kun uga iibsato sunta qaadka isla markaana dhaqaaleheedu guud ahaan beryahan hoos u dhacsan yahay, ayaa dareentay inay haadaan ku socoto oo loo baahan yahay inaysan lumin fursadahaas.

Hoos ka akhri aragtida nin Kenyan ah….

Hadalsame Media