DHEGEYSO: Madaxwayne kasta oo Maraykanka xil ka qabta oo markiiba loo gudbiyo XOG XASAASI ah oo Somalia ku saabsan (Baro XOGAHA markiiba loo gudbiyo Madaxwaynaha)

0

(Washington, DC) 15 Nof 2019 – Madaxwayne kasta oo Maraykanka soo mara, isla marka xilka loo dhaariyo waxaa jira xogo sir culus ah oo loo dhiibo, kuwaasoo talo looga sugayo ama ugu yaraan jiritaankooda la ogaysiinayo.

Madaxwayne kasta oo Maraykanka soo mara tan iyo bilowgii waxa loo yaqaanno la dagaallanka argagixisada oo haatan 3 Madaxwayne mareeysa ayaa waxaa siraha culus ee loo gudbinayo si joogto ah ugu jira dalal ay Somalia ka mid tahay.

Sirtan culus ee ay Somalia ku jirto oo la yiraahdo ”Liiska la dilayo #12333” kaasoo ay ilaa haatan soo isticmaaleen George W Bush, Barrack Obama iyo Donald Trump oo haatan jooga, ayaa waxaa Madaxwaynaha la tusayaa liis ay ku qoran yihiin shakhsiyaad iyo bartilmaameedyo toogasho ugu xukuman Maraykanka.

Waxaa liiska la tusayo ka mid ah dalalka Somalia, Yaman, Afghanstan, Suuriya, Pakistan iyo Ciraaq, kuwaasoo Madaxwaynaha looga doonayo inuu fasaxo duqaymo caadi ah ama kuwo ku saabsan khaarajinta qof gaar ah oo muhim ah oo ay soo diyaariyeen CIA-da iyo Bentegon-ku.

Dadka liisaskan ku jirey ee howlgallada lagu qaaday waxaa ka mid ah Bin Laadin, Al Baqdaadigii beri dhowayd la weeraray, Godane, Anwar Al Cowlaqi iwm.

La soco qaybaha kale….

Hadalsame Media