DF Somalia oo lagu dhaliiley qaabka ay u wajahayso Ciidamada Xoogga ee loosoo tababaro!

0

(Muqdisho) 15 Nof 2019 – Waxaa haatan dar dar ku socota howsha dib u dhiska iyo dib u habaynta Ciidamada Qalabka Sida qaybohooda kala geddisan, taasoo asaasi u ah soo kabashada qaranka Somalia.

Ha yeeshee, waxaa jirta hal arrin oo ay dad badani ku tilmaameen mid khalad ah istaraatijiyad ahaan iyo nidaam ciidan ahaanba.

Waxaa badanaa kaamirooyinka la hor taagaa ciidamada lasoo tababaro gaar ahaan kuwa lagu soo diyaariyo dalka Turkiga, balse dadka yaqaanna arrimaha ciidamada ayaa sheegay inay arrintaasi ku qurxoon tahay inay sir ahaato (classified), si aanu cadowga gudaha iyo dibeddu sawir uga qaadan cududda ciidamada Somalia ee aanu kaddib ugu tashan.

Sidaa darteed, waxaa Wasaaradda Gaashaandhigga laga codsaday inay qarsoodi ka dhigto tirada Ciidamada Xoogga, agabka ay haystaan gaar ahaan marka uu soo degayo, xarumaha ay kaydka dhigtaan iwm.

Hadalsame Media