DAAWO: Muuqaal cajiib ah oo lagu soo arkay meeraha MARS oo la degi rabo!! (Yaan lagaaga hormarin)

0

(Hadalsame) 13 Nof 2019 – Waa Meeraha Mars sida ay sheegtay NASA. Dad badan ayaa ku fikiraya iney u guuraan. Ha yaabin haddaad dhawaan maqashid kirishbooyo iibinaya tikidhada lagu raacayo markabka duula oo dhahaya: haye Mars, yaa socda, yaa socda, haye Mars, haye Mars, soo gaar intuusan markabka kaa buuxsamin. Tikidka wuu jaban yahay.

Toban kun dollar ayaa lagugu rarayaa. Waxaad u baahan tahay inaad soo qaadato raashiin kugu filan ugu yaraan 3 sano. Waxaa laguu oggol yahay inaad 50 riyood iyo labaatan neef oo lo’ ah iyo digaac intaad doonto iyo weliba calaf xoolo iyo biyo.

Dadka ku baxa markabka u horreeya wexey heystaan fursad ay dhul aad u ballaran ku qabsadaan. Markabka 2aad wuxuu bixi doonaa toban sano kaddib oo ku beegan sannadka 2030ka.

Dadka u horreeya ee dega meeraha Mars wexey heystaan fursad ay uga mid noqdaan baarlamaanka u horreeya ee la sameynayo iyo iney u tartamaan xilka madaxweynaha Mars.

Qowmiyaddii tiro fiican ku tagta halkaa wexey sameysan karaan dal ama waddan ay gaar u leeyihiin. Waa fursad.


Waxaa Diyaariyay: Cali C Cosoble

Hadalsame Media