Maxaa keenaya in DOWLADNIMADA laga cabsado? Mase loo qiil samayn karaa cabsidaas?!

0

(Hadalsame) 12 Nof 2019 – Waxaan arkay aragti ku doodaysa dadku waxay ka shakisan yihiin qaranka oo sidaas ayay qabiillo ugu kala taagan yihiin, hal arrin ayaa markaa soo baxaysa; tusaale, markii qarankii la sharaystay la ridey qabiilladii aamini waayey ee la dagaaley AMAAN iyo nabad ma heleen mase keeneen oo sidaa amaan maku noqdeen?

Tusaale ahaan, imisa ayaa ku dhimatay gacantii dowladda, imisa ayaase gacan ka hadal ku dhimatay kaddib markii la tuuray sdowladdii?! Haddii ay jawaabtu sidaan ognahay tahay maxay micne ah oo samaynaysaa aaminaad la’aanta dowladdu maadaama ay la’aanteed xaaladdu kasii darayso?

Waxaa intaa sii dheer in state la’aan uu xitaa dalka oo dhami halis gelayo oo waa taa maanta nala kala haysto oo dhankii la rabo nalaka gelayo bad, berri iyo hawaba.

Soo JEEFDIN: Dowladnimada halla dhoowro weliba kuwa xilka hayaa haka waantoobeen falalka ciyaalnimada ah oo aan cidna u roonayn, sidoo kale, kuwa mucaaradka ah cidina ka yeeli mayso inay taabtaan rukumada dowladnimada, balse aragti kale oo ay kula xafiiltamaan ha keeneen iyagoo aan xayndaabka ka baxaynin.

Waxaa intaa dheer, dowladnimo kasta oo waarta, mira dhasha ama lagu reeyo oo loo riyaaqo wax baa ku baxa oo wax baa loo huraa, halka Soomaalidu doonayso dowlad aan waxba ka rabin, canshuur waydiinayn, waxba aan ka celinayn, taasina dunida kama jirto.

Sida ugu saxsan Saadir baa garan.

Wabbillaahi toowfiiq.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media