DHEGEYSO: Saxaafadda Kenya oo si gaar ah u qaad qaadaysa warka MW Somalia (Shirka oo ay ku jiraan ajendayaal xil leh)

0

(Nairobi) 13 Nof 2019 – Shirka Caalamiga ah ee Dadwaynaha iyo Horumarinta oo ay ka qayb qaadayaan ilaa 6,000 oo madax caalami ah ayaa ka furmay Nairobi kaasoo soo xirmaya berritoole.

Saxaafadda Kenya ayaa marka ay tebinayso waxay si gaar ah ula baxaysaa MW Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, halka ay marar badan dhici jirtey in ay hoos u dhigaan maqaamka madaxda Soomaaliya marka ay yimaadaan Nairobi, balse ay haatan Kenya aad u qaddarinayso Somalia kaddib markii ay DF kiiska badda Maxkamad gaysey 2014-kii kaddibna ku adkaysatay inaysan wada xaajood geleynin, waloow ay Kenya wax kasta isku dayday.

Saxaafadda ayaa ku celcelinaysa inuu shirka ICPD kasoo qayb galay Madaxwaynaha Somalia, oo ay xitaa ka hadleen waxyaabaha uu shirka kusoo qaadan doono oo ay ku jiraan:

Horumarka laga sameeyay awood siinta hablaha, dumarka iyo horumarinta bulshada iyo qodobbo.

Dhanka kale, shirkan ICPD ayaa looga hadlayaa waxyaabo badan oo xil leh oo ay horay u dejisey QM, balse aan waafaqsanayn dhaqankeenna.

 

Hadalsame Media