Wasaaradda Warfaafinta oo TILLAABO muhim ah qaadday (Laba cilladood oo weli ka taagan)

0

(Muqdisho) 11 Nof 2019 – Wasaaradda Warfaafinta ayaa soo saartay go’aan ay kula dagaallamayso in khidmo ama sharuur la waydiiyo hay’adaha, shakhsiyaadka, bulshada iyo qof kasta oo adeegsada warbaahinta dowladda.

War kasoo baxay xafiiska Wasiirka Maxamed Cabdi Xayir ayaa lagu sheegay in maanta kaddib aan la ogolaan doonin in dadka lacago la waydiiyo, maadaama, hantida dadwaynaha lagu maalgeliyo warbaahinta dowladda.

LABA ARRIMOOD OO KALE OO WELI DHIMAN?

Waloow ay tillaabadani tahay mid wanaagsan oo horay loo qaaday iyo garowshiyo muujinaya inay dowladdu woxoogaa soo fahmayso inay shacabka u dhisan tahay, misna waxaa maqan laba arrimood:

1 – Warbaahinta dowladda waxaa weli ka baxa iidhehyo ay leeyihiin sharikaad iyo shakhsiyaad gaar ah, taasoo keenaysa inay danuhu is dardaraan (conflict of interest), sidaa darteed, waxaa wanaagsan in la joojiyo gebi ahaanba iidhehyadaas, marka laga reebo wixii ogaysiis ah oo dowladda ama shacbigu u baahdaan.

2 – Qalabka warbaahinta dowladdu waxay adeegsadaan magaca ”Warbaahinta Qaranka” balse farsamo ahaan uma shaqeeyaan sidaasi, waxay kaliya ku hadlaan afka dowladda, sidaa darteed, waa khalad inaan ugu yeerno ”Warfaafin Qaran”, haddaba, si ay magacaa ugu qalmaan, waa in warbaahinta dowladda loo fasaxaa cid kasta oo ka mid ah qaybaha dowladda, sida mucaaradka, shakhsiyaadka gaar ah iwm.

Micnuhu ma aha in ay iska sii daayaan wax kasta sida warbaahinta qaar, dabcan wixii umadda qaybinaya ama danaha qaranka ka hor imanaya waa mamnuuc, ha yeeshee, waa in qalabka warbaahinta laga sii daayaa mucaaradka si xirfadaysan wax u dhaliilaya ama talooyinka soo jeedinaya, sidoo kale, xilliyada doorashooyinka waa in laga sii wada daayaa ololaha ay sameeynayaan dhamaanba dhinacyada hardamaya.

Markaas ayaan dhihi karnaa Warbaahinta Qaranka.

Hadalsame Media