Wasaarad muhim u ah Somalia oo dhisatay xarun casri ah oo ay ku shaqayso + Sawirro

0

(Muqdisho) 11 Nof 2019 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta kormeeray dib u dhiska ka socda xarunta wasaaradda.

Wasiirka ayaa kullamo la qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada, agaasime Waaxeedyada iyo howlwadeennada Wasaaradda,isagoo ku ammaanay dardar gelinta howlaha ay Qaranka u hayaan iyo sida aysan saameyn ugu yeellan howlaha Wasaaradda ee ah dib u dhiska ballaaran ee ku socda xarunta wasaaradda.

Wasiir Sadiiq, ayaa shalay ka soo laabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaa oo howlo shaqo u tagay,isagoo la kulmay muddada uu ku sugnaa Marekanka Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka, halka uu ka qeybgalay kullan heer wasiirro ah oo ay ka qeybgaleen wafuud ka soctay Caalamka.

Hadalsame Media