GARNAQSI: Min 4 QODOB oo ay ku kala khaldan yihiin XUKUUMADDA xilka haysa & SHARIIF & XERTIISA!

0

(Hadalsame) 11 Nof 2019 – Waxaa beryahan shidan doodo ku saabsan khaladaad lakala sheeganayo in lakala galay, oo ay XF iyo ragga mucaaradka ihi uu midba kan kale ku eedayo.

Haddaba, bal aannu isku dayno inaan u kala gar qaadno labada dhinac annagoo aan cidna u eexanna aan qolo kasta eedda ka saarno halka ay ka qabato:

XUKUUMADDU MAXAY KU KHALDAN TAHAY?

1Doorka nabadoonnimada iyo xal raadinta oo ay ka dhimatay, Xukuumadda jirtaa ma muujinin nabadoonnimo ama samadoonnimo ku filan oo ay wax kaga qabanayso xasaradaha lasoo gudboonaado hadda iyo horraan, taasina waa wax lagu eedi karo, waayo muhim ma aha inaad saxan tahay ama khaldan tahay oo qura, balse waxaa muhim ah inaad leedahay turxaan iyo cillad bixin togan si horay loogu tillaabsado.

2Xadidaadda safarrada iyo juqaynta mucaaradka, Xukuumaddu iyadaa dalka xukunta, laakiin si iska soo booddo ah xaq uguma laha inay xadiddo safarrada dadka iyo siyaasiyiinta, haddii aanu jirin sharci Baarlamanka la marsiiyay ama go’aan maxkamadeed (waloow ay mararka qaar leeyihiin go’aan maamul (administrative decision) ama ay jiri karaan xaalado gaar ah ama deg deg ah, waxaa kale oo dheer inay tusaale ahaan xayiraaddii Sheekh Shariif aanu jirin ogaysiis kasii horreeyay oo ay dadku ogaayeen oo sheegayay inaan madaxdu Kismaayo aadi karin.

3 – Marka ay wax dhacaan Xukuumadda jirtaa sida wax u dheceen si wanaagsan uma gaarsiiso dadwaynaha, taasoo keenta in ra’yul caamkii lagu furo tashwiishyo ka imanaya ilo 3-aad oo dano kala duwan leh, kaddibna aad arkayso dowladdii dhamayd oo af la’aan ah oo indhaha uun taagaysa, halkii loo baahnaa inay iyadu gacanta ku dhigto xaaladda, oo dadka wax u sheegto, waana arrin farsamo ahaan laga rabo inay fuliso fursadeediina ay haysato.

Xalay oo kale waxaa hadlay Wasiirka Warfaafinta, ha yeeshee, ma aadin halkii laga rabey inuu ka hadlo oo ma faahfaahin sida ay wax u dheceene wuxuu daba dhigtay Shariifka. War sidaasi diblomaasiyad maaha, Shariifku wuxuu yiri waa la yaabnay waa run, balse waxa ka xanaajiyay maka hadashay? In la isu jawaabo oo middi middi lagu taago se xal ma noqonaysaa?

4Qofkii aan is qabanno waa inaan ka badinnaa, marka la eego heerka uu dalku soo maray iyo xaaladda xasaasiga ee weli lagu jiro oo lagu daro wacyiga weli hooseeya ee shacabka, waxaan marna sax ahayn in la isku dayo in markasta lakala adkaado.

Waa sax in loo baahan yahay ku dhac iyo saaxi u dabiqitaanka nidaam dowladeed oo laga amar qaato, ha yeeshee, waxaa markasta muhim ah in wada tashi iyo dib u heshiisiin lagu dadaalo oo doorka 1-aad la siiyo. Dadkana la dareensiiyo inay iyagu yihiin shirkaleeyda dowladda, taana xukuumaddu si wanaagsan ugama soo dhalaalin.

MAXAY MUCAARADKU KU KHALDAN YIHIIN?

1Dhinac orodka xukuumadda, horta bilowgiiba waxaa beryahan shaki kaa gelayaa cidda dalka xukunta ma dowladda mise nimanka dhinac ordaya, waa wax wanaagsan in gargaar meel la gaarsiiyo iyo in shirar la qabto ama laga qayb galo, ha yeeshee, waa inaysan noqon is barbar yaac lagu ganeeynayo xukuumadda. Dalka Maraykanka duufaan iyo dabaylo ayaa kusoo noqnoqday, balse marna arki maysid mucaarad ku dhinac ordaya DF Maraykanka oo leh gargaar baan sidnaa iyo meel baan booqanaynaa, taasi waa shaqada loo igmaday Xukuumadda jirta, waxaa kale oo wixii gargaar ah iyadoo magaca cidda keentay la sheegayo lagu wareejin karaa Guddiga Gurmadka. Gargaar baan wadaa haddii la ii diidana dagaal baan qaadayaa laba sheey oo marna is qaadan kara maaha.

2Ka qayb galkii caleemo saarka A. Madoobe, sida aan sheegnay dalka waxaa ka talisa dowlad la doortay, iyada ayaana go’aaminaysa talada dalka, mucaaradku wixii ay ku khilaafsan yihiin waxay u mari karaan hillinnada sharciga ah sida iyaga oo Baarlamanka geeya mooshin ama maxkamadaha ka dacwooda (waloow aan weli la dhisin hannaan garsoor eeddana ay qayb ku leeyihiin dowladdu).

In nin ay DF tiri ma aqoonsanin loo kala ordo oo khudbado bilaa micne ah meelahaa laga jeediyo waa foowdo aan berri anfici doonin ragga samaynaya oo ay qaarkood madax hore soo noqdeen, dhibaatooyinkaasna ay laftoodu lasoo kulmeen. Cid fahmi kartaa ma jirto caqabaddii aan shalay ka sheeganayay ayaan maanta taageerayaa.

3Doorka Shariif iyo Xasan, labadan siyaasi oo soo noqday madax hore oo heer qaran ah, waxay jeexeen jid cusub oo aan abid horay loogu arag saaxada siyaasadeed ee dalka, waa barbar orodka iyo foowdaynta dowladda iyo weliba adeegsiga erayo siyaasadeed oo aan maqaamkooda iyo sharafta dalkaba aan ku haboonayn. Tan kale xitaa amaankooda uma roona inay dayuurad qura isla raacraacaan oo bari iyo galbeed aadaan, xitaa shil dabiici ah ayaa iman kara, marka taxaddar waa muhim kamana muuqdo.

Micnuhu ma aha in aysan xaq u lahayn inay xukuumadda dhaliilaan ama mucaaradaan iyo inay markale xilka u ordaan, waxa la isku haysto umadduna afka gacanta ugu haysaa waa qaabka ay taa u marayaan, oo kaliya seejinaya kalsoonida iyo taageerada umadda. Marka aan umad leeyahay waxaan ula jeedaa umadda Soomaaliyeed ee ka hadli mayno dhowr miskiin oo aaminsan in siyaasi beel lagu taageeri karo, taasoo ah khiyaaliga ugu wayn ee siyaasad geela Soomaalida.

4Adeegsiga xeelado duug ah sida colaad hurin, qabyaalad iwm, siyaasiyiinta mucaaradka ah qaar badan oo ka tirsan waxaa ka wareersan adabka hadalka (rhetoric), waxaa haddaba khalad ah in markii ay wax yari dhacaan judhiiba umadda lala hor istaago tannaago, hanjabaad, magacyo bixin shakhsi, dagaal iclaamin iwm. Maadaama uu dalku kasoo doogayo dagaallo sokeeye oo aanu ognahay inaan qofna caano macaan ka cabin ee carun iyo dhiig uun laga dhaxlay, waxaan meesha qabanin in qof siyaasi sheeganayaa uu muto cidaysi iyo colaad hurin.

Bal is waydiiye ma cid baad doonaysaa inaad xukunto mise shacabka Soomaaliyeed ee dhib ka daalka ah. Ogoow haddii Soomaali oo dhan la isku daro ma gaari karaan wax qabiillo u qaybsami kara, haddii ay dhacdana waxaa dhumaysa danta guud ee umadda, sida aannu soo aragnayba.

Xitaa aan qish idin siiyee, marka safka meesha taagan la eego in ay dadka usoo degdegi karto in mucaaradka hadlayaa ay dad gaar ah u badan yihiin waxay dilaysaa qiyamka mucaaradnimada iyo metelaadda xisbiga, maadaama uu qofku ku doodayo inuu yahay xisbi qaran.

GUNAANAD: Ugu dambayntii, waxaan xukuumadda iyo ragga ka hor jeedaba fari lahaa inay isku noqdaan, DF ka yeeli mayno inay maantoo idil wax juqeeyso oo marba xaalad kiciso iyadoo aan lahayn xaalad dejin iyo boog dahaarid.

Ragga mucaaradka sheeganayana ka yeeli mayno inay qandaraasyo kusoo qaataan iska horkeenka umadda, burburinta waxa yar ee la yabyabayo iyo isu keenidda iyo midnimada umadda.

Umad maanta maraysa ama garata inay gees ilaa gees isu gurmato, cidna ka akhrisan mayso dib baa loo noqonayaa iyo siyaasi dan leh oo nacas ah baa dartii loo dhimanayaa, marka ama dowlad ahow ama mucaarad ahoowe keen wax aan ahayn in la is dilo, inta kale oo dhan waa dhici kartaa in lagaa dhegeystee.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media