“Muhiim ma ahan cabbirka rasmiga ah ee biyaha koobka ku jira!”

0

(Hadalsame) 12 Nof 2019 – Nin macalin ah ayaa maalin maalmaha kamid u soo galay arday ku jirta fasal kamid ah fasaladii uu wax u dhigi jiray, dabeedna koob biyo ku jiraan ayuu gacanta ku qabtay wuxuuna ardaydii weydiiyey ” Ma ii sheegi kartaan inta mltr ay yihiin biyaha ku jira koobkan?

Ardaydii oo dhan jawaabo kala gedisan ayey bixiyeen, qaar kamid ah waxay yiraahdeen waa 10 mltr, kuwo kalena waxay ku jawaabeen waa 40 mltr.

Macalinkii wuxuu yiri”muhiim ma ahan cabbirka rasmiga ah ee biyaha koobka ku jira, laakiin culeysku wuxuu sii badanayaa haddii aan muddo badan koobka gacanta ku sii haayo, haddii aan hal daqiiqo aan gacanta ku haayo waxba ma dareemi doono, haddii aan hal saac kor u haayo koobka waxaan dareemi doonaa xoogaa xanuun ah, balse haddii aan 24 saac oo xiriir ah aan koobka biyaha ah kor u haayo waxaa la ii qaadi doonaa isbitaalka, culeyska koobku isma beddelin laakiin muddada badan ee aan gacanta ku haayay koobka ayaa keentay inaan culeys badan dareemo”.

Dulucdu waxa ay tahay haddii aan dhibaatooyinka nolosha ee nagu dhaca aan saacad kasta iyo marwalba ka fekerno culeyska ayaa nagu sii badanaaya, marka dambena dhibaato ayaa soo gaari doonta maskaxdaada, qalbigaaga iyo noloshaada.

Waxaa haddaba haboon inaadan marwalba ka fekerin oo maskaxdaada ku mashquulinin dhibaatooyinka nolosha ee kugu dhacay ama aad ka cabsanayso inay kugu dhacaan.

Diyaariye: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media