DF Somalia oo ka aamusan arrin halis ku ah AMAANKA QARAN ee Somalia oo ay Itoobiya samaysay!

0

(Addis Ababa) 09 Nof 2019 – Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u howl gelinaysa biyo-xireenka Genale Dawa III oo laga hirgeliyey koonfurta-bari ee dalkaasi.

Biyo-xireenka oo lagu kharaj gareeyay adduun dhan 451 milyan oo doollar ayaa iminka la dhameystiray 99%, waxaana uu ku howl-billaabi doonaa muddo laba bilood gudahood ah, sida uu xaqiijiyey madax ka socda Shikradda Korontada Itoobiya ee EPP, Dr. Abraham Belay.

Mashruucan ayaa lagu wadaa inuu soo saaro awood koronto oo gaaraysa 254 Megawatt, waxaana laga sameeyay marinka webiga Jubba oo ah midka ugu ballaaran Somalia, kaasoo la filayo inuu wax u dhimo tirada biyaha soo aadaya Somalia.

Dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray burburka kaddib ayaa iskaga mid ah hal arrin oo ah inaysan marna ka hadal, ama Itoobiya ugu tegin wax ku saabsan sida arrimahan xal loogu heli lahaa maadaama ay tahay arrin ka mid ah amaanka qaranka dalka, iyagoo sheegta inay xiriir wanaagsan la leeyihiin Itoobiya.

Webiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa haatan caadaystey inay marna guraan marna fatahaan, waloow ay meesha ku jiraan qorshe xumo iyo isbeddelka cimilada, waxaa sidoo kale ka marnayn saamayn biyo xireennadan ay Itoobiya dhisayso.

Hadalsame Media