XOG: Itoobiya oo daba socota fulinta heshiis muran dhaliyey oo ay horay ula gashay DF Somalia (Wefdi ballaaran oo Muqdisho imanaya)

0

(Muqdisho) 09 Nof 2019 – Waxaa suuqa ku jira warar sheegaya in wafdi heer Wasiir ah oo ka socda Itoobiya ay todobaadkan booqasho ku iman doonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wefdigan oo la filayo inay tiradoodu gaarto ilaa 8 wasiir ayaa lagu wadaa inay berri oo Axad ah Muqdisho yimaadaan, sida lagu qoray Jowhar.com.

Booqashadan oo ah mid shaqo ayaa la sheegay inay daba socoto guddi isku dhaf ah oo heerka Wasiir ah oo ay horay ugu dhawaaqeen Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaasoo dhaqan gelinaya heshiis ay wada gaareen Somalia-Itoobiya, markii uu Muqdisho tegey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, bishii Juun ee sanadkii 2018-kii, isagoo heshiiska la galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Labada dal ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen dhowr qodob oo lagu sheegay kuwo lagu abuurayo isdhexgal bulsho iyo iskaashi dhaqaale oo labada dal dhex mara.

Waxaa heshiiska ku jira qodob muran dhaliyay oo ah midka 7-aad, kaasoo ay ku xusan tahay inay labada dal wada maalgashanayaan 4 dekadood, iyadoo aan la faahfaahin qaabka farsamo ee taa loo fulinayo.

Hadalsame Media