DAAWO: ”War waa anigii!!” – Mr BEAN oo ka sheekeeyay hal arrin oo DHIBAATO ba’an ku haysa!!

0

(London) 09 Nof 2019 – Rowan Atkinson oo ku caan ah magaca Mr BEAN ahna madadaaliye iyo maadyahan u dhashay dalka Ingiriiska ayaa ka sheekeeyay arrin uu qadyaan ka joogo oo aad u dhibta.

Mr Bean ayaa sheegay in aanay jirin meel dunida ku taalla oo aan laga aqoosanaynin, balse dhibka jiraa uu yahay inay dadka qaarkood u xugmiyaan inuu yahay nin u eg Mr Bean kaddib marka ay eegmadiisa muddo ku dhaygagaan.

”Marka ay dhaygagga iga badiyaan ayaan anigu is dhiibaa oo ku iraahdaa waa isagii” ayuu yiri Mr BEAN, balse taa lafteeda ayuu dhib ka taagan yahay oo dadka qaarkood waxay moodayaan inuu kaftamayo.

Wuxuu ka sheekeeyay mar uu tegey meel laga helo kabka Land Rover-ka oo u dhow Peterborough. Wuxuu sheegay in nin inta cabaar eegay uu waydiiyey:

”Weligaa ma laguu sheegay inaad tahay qayb laga jeexay Mr Bean kaas?!” Saanne: ”Waa aniga qof ciyaara Mr Bean!”

Suu ka dhag siiyay qosol yar oo kajan ah ayuu yiri: ”Waa ku dhaaran karaa inaad jeclaan lahayd inaad noqoto!” Kaddibna wuxuu sheegay inay bilaabato dood ku saabsan inuu dadkii u sheegayo inuu yahay Mr Bean dhab ah, jeer uu qofku aaminsan yahay inaan kaliya u ekahay.

Hadalsame Media