Madaxdii dalka soo maray & kuwa iminka maamula oo lala taliyey (3 Qodob)!

0

(Hadalsame) 08 Nof 2019 – Shirkii shalay kadhacay Muqdisho ee xisbiyada labaxay “Madasha qaran” waxaan dawaday khudbooyinkii laga wada jeediyay iyo war murtiyeedka kasoo baxay.

Waxaa dhamaan iiga muuqatay mas’uuliyiintii ka hadashay madasha ay ku kulansanaayeen in midba uu midkale ka adkaa dhanka hadallada ay jeedinayeen.

Waxaan anigu qabaa aragti ahaan sedex qodob oo aan horay warbaahinta ula wadaagay in aan ku celiyo,waxayna kala yihiin sidaan:-

1 – Madaxda dowladda dalka maanta iyadaa mas’uul ka ah ,in ay muujiso xaalad siyasadeed ka duwan tan maanta ay wajaheyso, sababtuna waxaan u leeyahay hadaanu isu tanasul iyo wada tashi ku tiirsan qaanuunka noo qoran aynaan la’imaan ay suurta gal tahay dibu dhac hor leh.

2 – Madaxdii hore ee maanta hadashay waxaan leeyahay mudana yaal marxaladda uu dalku marayo waliba gaar ahaan Muqdisho iyo labada shabelle intaad qiimeeysaan talo lawadaagna aad u muujisaan mas’uul kasta oo aad u aragtaan in uu diyaar u yahay dhageysigiina, si aysan bulshada Soomaaliyeed ugu sii kala fogaan akfkaaraha aad ku kala fogaateen madaxda joogta iyo idinkii shalay xilka ku wareejiyay.

3 – Hay’adda sharci dajinta dalka waxaan lawadaagayaa in ay xeeriyaan qaanuunkii 2sano iyo bar kahor gacanta ay ku haayeen uu yahay qodobada laga wada tabanayo, wixii gaabis ah ee qaanuunka ku yimaadana ay tahay mas’uuliyad darro loo sababeyn doono Baarlamaanka dalka.

Ugu danbeyn, waxaan shakhsi kasta lawadaagayaa in aan ku dadaalno midnimadeena iyo wada jirkeena. Mahadsanidiin!

Waxaa Qoray: Xasan Cabdulqaadir Muuddey

Hadalsame Media