Xukun ka dhan ah Somalia oo ay shalay ridi rabeen garsoorayaasha Kenya oo LACAG la’aan u baaqday! (Sabab?)

0

(Nairobi) 08 NOf 2019 – Seddax xaakim oo gacanta loo geliyay inay xugmiyaan wax lagu sheegay muranka badeed ee Kenya-Somalia ayaa sheegay inay xukunkooda ridi karin, miisaaniyaddii garsoorka oo lagu gaabiyay darteed.

Garsoorayaasha Kanyi Kimondo, Robert Limo iyo Anthony Mrima oo shalay laga sugayay inay go’aamiyaan haddii ay Kenya sii wadanayso ama ka baxayso dacwadda Maxkamadda ICJ oo ay Kenya ka dacwaysan tahay ayaan taa samaynin.

Miisaaniyad dhimista ayay sheegeen inay garsoorayaasha oo ka kala imanaya goobo kala fog ku adkaysay inay isu yimaadaan oo xukunka ka baaraan degaan kadidna qoraan.

Wasaaradda Kaydka Qaranka Kenya ayaa Sh3 bilyan ka goosatay miisaaniyadda iyadoo sheegtay inuu dakhligu hoos u dhacay, isla markaana ay kharash u biirinayaan qorshaha Uhuru Kenyatta ee loo yaqaanna Big Four agenda.

Garsoorka ayaa codsaday Sh31.2 bilyan oo shilin, balse Baarlamanka dhexe ayaa u ogolaaday wax ka yar kala bar oo ah Sh14.5 bilyan, kaaga darane, taa lafteeda ayaa waxay Wasaaradda Kaydku ka goosatay 3 bilyan iyadoo u shubtay  Sh11.5 bilyan oo qura.

Hadalsame Media