DHEGEYSO: ”Waxaa caddaatay inaysan jirin Puntland la wada leeyahay!” – Guddoomiye Dhoobo-daareed oo ka hadlay tillaabada xigta

0

(Garoowe) 07 Nof 2019 – Waxaa goor dhoweyd ay xildhibaanada Baarlamaanka Puntland u codeeyeen xilka ka xayuubinta Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo ay mooshin ka keentay madaxtooyadu.

Xildhibaanada xilka ka qaaday gudoomiyaha oo dhamaa 49 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey gudoomiyaha in xilka laga qaado halka ay ka aamuseen 4 xildhibaan oo kaliya.

Guddoomiye Dhoobo oo warbaahinta la hadlay habeenkii xalay ahayd ayaa horay usii sheegay in uusan aqbali doonin haddii uu go’aan noocaas ihi kasoo boxo xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

”Puntland la wada leeyahay inaysan jirin baa caddaatay, waxaa la kala sheegtay caasimaddii, marka dadku aayohooda ayay ka tashan doonaan, inta laga helayo Puntland la wada leeyahay.” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland.

 

Hadalsame Media