DHEGEYSO: Dadka Ingiriiska ah oo kusoo qamaamay qaadashada Baasaboorka Sweden (Tirko rikoodh jebis ah)

0

(Stockholm) 07 Nof 2019 – Tiradda muwaadiniinta Ingiriiska ee loo oggolaaday dhalashada Sweden ayaa gaartay rikoodh cusub. Sannadkan gudihiisa 4 100 muwaadiniin Ingiriis ah ayaa qaadatay dhalashada Sweden.

– Waa dareen qurux badan marka aad booliska ka soo qaadato baasaboorka, waraaqadaha caddeyntana aad ka hesho hay’adda canshuurta, ayuu yiri Daniel Reed oo u dhashay dalka Ingiriiska balse ku noolaa Sweden shan sannadood isaga oo qaatay dhalashada Sweden bishii Maarso.

Daniel Reed ayaa intaasi raaciyay in imminka uu dareemayo xasilooni iyo nabadgelyo maadaama uu og yahay in uu sii joogi karo Sweden.

Sweden waxaa ku nool ilaa iyo 30 kun oo qof oo u dhalashay dalka Ingiriiska. waxaa sannad walba sii kordheysa tiradda dalbaneysa dhalashada Sweden tan iyo markii ay dhacday aftidii ay Ingiriisku ugu codeeyeen in ay isaga baxayaan Midowga Yurub. Tirada loo oggolaaday dhalshada Sweden ayaa saddex jibaarantay sannad gudihiisa, iyada oo ay ku soo korortay 1400 qof sannadkii hore oo ay soo gaartay 4100 qof sannadkan.

Jonas Colling waa isu duwaha hay’adda socdaalka ee arrimaha Brexit.

– Tan iyo isbedelka sannadka, waxaan ahmiyada siinay dhalashada. Waxaan abuurnay waax cusub halkaasi oo aan labo jibaarnay awoodeena maareenta codsiyada dhalashada.

Inkastoo tirada go’aan gaarista codsiyada dalabyada dhalashada dadka Ingiriiska ay imminka badan tahay, misanana sarkaalka ka tirsan waaxda socdaalka Jonas Colling, waxuu leeyahay hay’addu ahmiyad ahaan ma ka horumariso dadka Ingiriiska muwaadiniinta kale ee u dhashay dalalka ee iyaguna soo codada dhalashada.

– Weli si rasmi ah uma dhicin brexit sidaasi darteed ma heysano sharci ahmiyada koowaad ku siineyn karno dadka Ingiriiska u dhashay sidaasi daraadeed waxaan kiisaska u kala saarnaa sida ugu dhaqsiyaha badan si aan go’aan ugu gaarno. Codsiyada qaar waa dhammeystiran yihiin, qaarna baaritaan dheeri ah ayay u baahan yihiin. Codsiyo badan oo kuwa Ingiriiska ah ayaa dhammeytirnaa sidaasi ayaana dedejisay in go’aano laga gaaro, ayuu yiri Jonas Colling.

Daniel Reed ayaa sida inta badan ee kale waxuu isla heysan doonaan labada dhalasho iyo baasaboor balse dhammaadka toddobaadkan ayaa markiisa ugu horreysa waxuu ku safri doonaan baasboorkiisa Swedish ka.

– Waan heysanaa labadda dhalasho. Haddaba waxaan aadi karaa meesha an ka doono caalamka. Dubai ayaan u socdaali doonaa Sabtiga, waana arki doonaa inta ay socon doonto, ayuu yiri, säger Daniel Reed.

Xigasho: Raadiyaha Sweden

Hadalsame Media