Arag sida ay dalalka reer Galbeedku ula kala safan yihiin Somalia & Kenya arrinta dhul-badeedka

0

(Nairobi) 07 Nof 2019 – Muranka ay Kenya oogayso ee dhul badeedka Somalia ayaa la sheegay inay ku kala qaybsan yihiin dalalka Galbeedka oo la kala safan labada dal, si ay u gaaraan danahooda gaarka ah.

Dhulka la sheeganayo oo gaaraya 100 000 KM oo jibbaaran, ayaa keenay inuu meeshii ugu xumayd gaaro xiriirka diblomaasiyadeed tan iyo 2019, goortaasoo ay Kenya cayrisey Danjiraha Somalia iyadoo ku eedeeynaysa in ay xaraasheen baloogyo ay leedahay Kenya.

Yeelkeede, muranka labada dal ayaa waxaa la sheegay inay ka xoog badan tahay danaha hoos yaalla ee ay kala jiidanayaan dalalka Maraykanka, United Kingdom, France, Italy, iyo Norway.

Tusaale UK, ayaa muujisay inay u janjeerto dhanka Somalia, waxaana ugu wacan laba sababood. Koow, xiriirka UK-Kenya ma fiicnayn tan iyo doorashadii Uhuru Kenyatta oo UK ka door biday Maraykanka iyo Shiinaha.

Laba, Britain waxay xiriir muddo dheer soo jirey oo dhanka saliid baarista ah kula jirtey Somalia, iyadoo ay shirkadda saliidda baarta ee British Petroleum (BP) ay heshiisyo kula jirtey Somalia 1980s ilaa 1991 markii ay Somalia gashay foowdo iyo dagaal sokeeye.

Norway ayaa iyaduna dhanka Somalia u janjeerta. Waxaa la sheegay inay ka mid tahay dalalka ugu horreeya ee baloogyada ugu badan soo dalbaday shirkii Somalia Oil and Gas ee London. Waxaa kale oo jirta in RW Hassan Ali Khayre uu yahay nin haysta jinsiyadda Norwegian-ka, waxaa dheer inay Kenya cayrisey shirkadda saliideed ee Norway ee Statoil.

Dhanka kale Maraykanka ayaa u badan dhanka Kenya oo uu la saxiixday heshiis ku kacaya $100 milyan oo doollar, saas oo ay tahay Maraykanku ma rabo inuu ku weji go’o Somalia oo uu dano badan oo dhaqaale iyo istaraatiji ka leeyahay.

Waxaa kale oo dhanka Kenya aad ugu badan Faransiiska oo ilaashanaya danihiisa qaran maadaama ay Total Oil oo Faransiis ihi ay ka mid ahayd sharikaadka qandaraaska ay Kenya ku siisay baarista dhul badeedka Somalia ee ay sheeganayso.

Waxaa sidoo kale sharikaadka qandaraaska haysta ka mid ah shirkadda Talyaaniga ee ENI (ex Agip) oo baarista joojisey kaddib markii ay Somalia dacwaysay dalka Kenya. Sheekadu waa 2.5 dalkiiba.

Ugu dambayn, Somalia oo kasoo kabanaysa colaad muddo dheer jirtey, welina aan lahayn nidaam dhexe oo isku xiran ayaa u baahan inay arrimahan u gasho si maskaxaysan oo aad looga baaraan degey.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media