Laba gabdhood oo Soomaali ah oo isku da’ ah oo rikoodh ka dhigay laba gobol oo Maraykanka ku yaalla!!

0

(St. Louis) 06 Nof 2019 – Nadia Maxamed ayaa ku guulaysatey 63% ka mid ah  codadka, halka Joseph Israel oo la tartamayay uu ka helay 36%. Waxayna bedeli doontaa Thom Miller, oo aan dib u tartamin.

Nadia Mohamed, waa gabar 23-jir ah oo siyaasi ah, taasoo Somalia kasoo carartay iyadoo yar, waxayna shalay dhigtay taariikh cusub, kaddib markii ay fariisatay kursi ka mid ah Golaha Degaanka St. Louis Park City Council oo ka tirsan Minnesota.

Waxay sidaa ku noqotay gabadhii ugu horreeysey ee marna Muslim ah, marna Soomaali ah ee Golahaa fariisata.

Dhanka kale, gabar kale oo Soomaali ah ayaa kusoo baxday doorashada degaanka Lewiston, gobolka Maine, iyadoo noqotay Soomaaligii ugu horreeyay ee Golahaa ka mid noqda.

Safiya Khalid, waa 23-jir iyaduna, waxayna ka adkaatay qof ay Dimoqraadiga ka wada tirsanayeen, sida uu qorayo Bangor Daily News.

Soomaalida oo kasoo cararaya dagaallada iyo macluusha ay sababeen ee Somalia, ayaa 20 sano kahor soo degey Lewiston, oo ah magaalo yar oo ay deggan yihiin36,000 oo qof, saasoo ay tahayna waa magaalada 2-aad ee ugu wayn gobolka Maine oo ah gobol aad u yar oo ay guud ahaan ku nool yihiin 5,000 oo Afrikaan ah.

Magaalooyinka Lewiston iyo Portland ayaa waxaa Talaadadii ka jirey doorashooyin maxalli ah.

Hadalsame Media