DARAASAD: Guurba midka uu ka QAALISAN yahay waa ka FURRIIN badan yahay!! (Talo fiican oo lasoo jeediyay)

0

(Hadalsame) 06 Nof 2019 – Qorshaynta guur qaali ah oo uu kharash badani ku boxo dad badan ayaa jecel, yeelkeede, daraasad haatan dabka laga soo qaaday ayaa tibaaxaysa in guurba midka uu ka rakhiisan yahay dhanka kharashka uu ka cimri dheer yahay.

Jeer ay jiraan sharikaad waawayn oo malaayiin ka sameeya agaasinka guurka, si looga dhigo sida sheeko xariiro oo kale, misna waxaa haatan la hubiyay in waaritaanka guurka ay u wanaagsan tahay xafladda sahlan ee guurka.

Profesor-rada dhanka dhaqaalaha ee Andrew Francis-Tan iyo Hugo M Mialon ayaa sahan ku sameeyay 3,000 oo ah lamaaneyaal is qaba, waxayna soo heleen astaamo muujinaya inuu furriin soo fool leeyahay.

Sida ku cad daraasaddan, qiimaha agabka ku baxa arooska ama lacagta lagu kharash gareeyo meherka ama faraantiga ay isu xirayaan dadka – yacni kuwa aan Muslimka ahayn – ayaa waxay muujinaysaa in bilowgiiba diiradda la saarayo muuqaal iyo sheeyaal.

Waxay daraasaddu soo ogaatay in markasta oo uu sii qaaliyoobo qiimaha faraantiga guurku, ay taasi keenayso suurtagalnimo sare oo ku aaddan in la is furo, gaar ahaan haddii uu gaaro $2,000 oo euro (£1,500), marka loo eego kuwa isku guursada faraanti ku kacaya $500 (£376).

Waxaa sidoo kale ah kharashka lagu khasiro xafladda guurka, tusaale, dadka xafladdooda aroosku ku kacdo $1,000 (£753) waxay ka furriin yar yihiin, kuwa bixiya in ka badan $20,000 (£15,000) taasoo hal mar iyo bar uga bata furriinka.

Daraasadda ayaa soo jeedisey talo ku aaddan, in halkii lacago badan la farriqi lahaa xilliga arooska ay lamaanaha u wanaagsan tahay inay lacagahaa u biirsadaan noloshooda dambe, sida safar tamashle ah oo ay galaan bishooda malabka.

Hadalsame Media