Ciidamadii Cabdi Janan oo aad u hubaysan ayaa la sheegay inay ku biireen kuwa Xoogga Dalka + Sawirro

0

(Gedo) 06 Nof 2019 – Ciidamaddii daacadda u ahaa Wasiirkii horre ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa lasoo sheegayaa inay si rasmi ah maanta ugu biireen Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala Gobolka Geddo.

Ciidamadaan ayaa waxaa ay wataan caanad ciidan oo Culus oo ay ka mid yihiin gadiidka dagaalka iyo qoryo fudud iyo kuwo culus.

Hubkan ayaa waxaa la sheegay inuu halkaa geeyay Axmed Madoobe, si uu Janan iskaga difaaco shacabka gobolka Gedo oo aanu kalsooni badan ka haysan, kuwaasoo ku eedeeya dembiyo dagaal oo kala nooc ah.

Janan ayaa iminka ku xabbisan magaalada Muqdisho, kaddib markii ay DF Somalia ka qabatay Garoonka Dayuuradaha ee Aadan Cadde.

Hadalsame Media