”Federaal maahane waa foowdo!” – DF Somalia oo sheegtay inay yeeli doonin inay maamulladu dhinac ordaan Dowladda Dhexe!

0

(Muqdisho) 05 Nof 2019 – DF Somalia ayaa markii ugu horreeysey ka hadashay sida ay howlaha u kala leeyihiin Dowladda Dhexe iyo Maamul-goboleedyada oo mararka qaar ku hor orda ama dhinac orda DF.

Wasiirka Warfaafinta DF Somalia, Md Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tilmaamay in maamulladu ay ”khalad u fahmeen” nidaamka Federaalka.

”Waxay u fahmeen sidii inay yihiin dowlado madax bannaan, mana aha. Inay yihiin Madaxwaynayaal kuwa (dalalka) adduunka u dhigma, mana aha. Maraykanku waa 50 gobol federaal, mana dhici karto inuu midkood boxo oo uu Putin-ka Ruushka la kulmo. Wax innaba dhici kara maaha oo maxkamad baa horay laga gaynayaa.” ayuu yiri Maareeye oo sharraxaya waxa khaldan.

”Annaga waad aragtay. Waa iska dhoofayaan, waddan bay iskala shirayaan. Dowladdii oo aan ogayn bay wax iska fasaxayaan. Wax sharciyad ahna uma haystaan. Yacni nidaam federaal maahane nidaam foowdo ah waaye hadda.” ayuu raaciyay.

Maareeye ayaa muujiyay inay DF Somalia doonayso inay arrintaa soo afjarto oo uu dalku yeesho nidaam federaal ah oo si saaxi ah u shaqaynaya. ”Waa inay ka war qabtaa doorashooyinka ka dhacaya gobollada.” ayuu yiri.

Maareeye oo ka hadlay arrimaha Galmudug ayaa sheegay in ASWJ ay tahay koox door muhim ah soo qaadatay, balse loo baahan yahay inay nidaamka raacaan si loo fuliyo wixii lagu heshiiyay, isagoo sheegay inay wada hadallo socdaan.

Hadalsame Media