”La seexo sarkaalkan!” – Xaasaska Muslimiinta ah oo ay bahdil kii ugu xumaa kula kacayso dowladda Shiinuhu + Sawirro

0

(Xinjiang) 05 Nof 2019 – Xaasaska Muslimiinta ah ee dalka Shiinaha ayaa la sheegayaa in lagula koco bahdil aad u ballaaran, iyadoo xitaa lagu khasbo inay sariir qura la seexdaan saraakiisha ciidamada Shiinaha ee loo soo diray inay baabi’iyaan dhaqankooda, jeer raggooda lagu hayo xerooyin ay Beijing sheegto inay ku ”dhaqan celinayso.”

Xaasaska dadka Uighur-ka ee dega gobolka Xinjiang ayaa lagu khasbaa inay guryohooda ‘ku casuumaan’ wax lagu sheegay baarayaal eeg eega waxa guryaha ka socda, xilli ay raggu ku xiran yihiin xeryo lagu sheegay sidii kuwii Hitler.

Beijing ayaa wajahaysa cambaarayn caalami ah, iyadoo ku eedaysan inay xabsiyada ku hayso ugu yaraan 1 milyan oo qof oo Muslimiin ah oo maskaxda laga dhaqayo, iyadoo la barayo heeso waddani ah iyo mabaadii’da xisbiga Shuuciga ah, si meesha looga saaro dhaqanka diiniga ah.

Waxaa dadka xiran lagu khasbaa cunnooyin aan xalaal ahayn sida doofaar, khamriga iyo hilbaha aan lagu qalin magaca Alle, waxaa sidoo kale loo diidaa inay dukadaan salaadda ama fuliyaan shacaa’irta Islaamka.

Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale ilmaha ka qaadata qoysaskooda, iyadoo la geeyo xeryo lagu tababarayo si ay mulxiddiin bilaa diin ah u noqdaan, taasoo qayb ka ah barnaamij la bilaabay 2018, sida ay sheegtay Human Rights Watch.

‘Qoyskaska Muslimka ah ee Xinjiang oo dhan haatan xitaa jiifka guryohooda waxaa ka warqabta dowladda,’ ayay tiri Maya Wang, oo ah cilmi baare arrimaha Shiinaha ah oo ka tirsan urur wax cadaadiya oo saldhigta New York.

Dunida Muslimka ayaa arrintan jarriimada ah ka aamusan, iyadoo aanu jirin dal ka hadlay marka laga reebo Turkiga, halka dalal ay Khaliijku ka mid yihiin ay dowlad ahaan kuba faraxsan yihiin arrintan, maadaama ay halis dhanka kursiga ah u arkaan wixii diin Islaam ku saabsan.

Hadalsame Media