Dal aan looga baran oo ballan qaaday inuu Somalia caawinayo (Turkiga oo gacan ku leh)

0

(Dooxa) 05 Nof 2019 – Azerbaijan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay caawiso Somalia oo wajahaysa xasarad insaannimo, sida uu sheegay Wasiir Dibadeedka Azerbaijani-ga, Elmar Mammadyarov oo ka hadlayay shirka heer wasiir ee Dalalka Islaamka ee Qadar ku qabsoomay, sida ay faafinayso wakaaladda Trend.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dhanka kale daruuri tahay in xal waara loo helo qaxootiga dibedda iyo barakacayaasha gudaha Somalia.

“Waxaannu si wayn uga walaacsan nahay inay sii socoto dhibaatada aadminnimo ee Somalia,” ayuu yiri Mammadyarov oo eedda wax ka saaray isbeddelka cimilada oo aysan Somalia wax qorshe ka lahayn.

Azerbaijan oo ka jawaabaysey baaq uu Turkigu u jeediyay dalalka Muslimka ah, isla markaana ka mid ah isbahaysi yare uu Turkigu sameeyay oo bilow ah ayaa sidoo kale sheegtay in jaamacadda ADA University ay deeqo waxbarasho siinayso ardayda Soomaaliyeed si ay gacan uga qaataan mug iyo dowlad dhisidda Somalia oo soo kabasho ku jirta.

Hadalsame Media